Magaca meel kasta waxaa uu ka soo jeedaa dhaxal hore. Halkan

sundsvall
Magaca meel kasta
waxaa uu ka soo
jeedaa dhaxal hore.
Halkan waxaanu
kaga hadlaynaa
sababta ay wax sidan
ay u noqdeen. Akhri
oo baro. Kuna soo
dhawoow halkan!
Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.
dha x alk a dhaqank a maga alada sundsvall
Magaalada dhagaxa ah ee Sundsvall waa faham
guud. Kadib dabkii weynaa ee magaalada gubay
1888 dib ayay magaaladii u dhalatay, oo lagu
dhisay qiimo aad u sare iyo guryo dhaqax lagu
sharaxay. Hotel Knaust waxaa uu u taagan yahay mid raaxo iyo hodanimo leh oo ilaa maantadan si fiican u shaqeeya.
Ka hor 2000 sanaddood waxay keyn jiq ah oo cid la’
ah meeshan maanta ay ka dhisan tahay magaalada
Magaalada Sundsvall Wax waddooyin ah may lahayn
dadkuna waa ku yaraa. Qeybta webiyada ku dheraran
iyo xeebta ayay dadkii ugu soo horeeyay deggeen,
waxayna miciishada ka soo saaran jireen kalluunka,
kedib dhowr boqol oo sanno ayay barteen dadku wax
beerashada oo ay ka bilaabmatay qodaalka beerro
yaryari. Islamarkaasna waxaa garab socday xiriirro ay
la yeelanayeen dunida inteeda kale iyo hawlo ganacsi in
lagu dhaqaaqo.
Xilli taariikheedkii dhexe ilaa laga soo gaaro qarnigii-1700 tirada dadku way kobocday, tuulooyin yaryar
baana abuurmay. Sundsvall wakhtigaas waxay ahayd
bulsho aad u yar, laakiin, iyada oo ay sidaas jirto, haddana ah meel ah xarun dhexe oo adeegga iyo ganacsiga
aan looga maarmin.
1800:aadkii ayaa isbedelka horumarku qaatay xawl u
dheeraynaya. Dhirtii keynta, oo hore loogu isticmaali
jiray dhismaha guryaha, shidaalka iyo sameynta
qalabka, ayaa noqotay alaab qeyrin oo aad looga daba
dhacay.
Wersheddo loox ayaa xeebta hareeraheeda iska
daba dhismay, halkaas oo ay ka yimaadeen shaqaale
badan wadan daafihiisa, oo ay Sundsvall weynaatay,
una noqotayna aakhirii qaraniga xarunta wersheddaha
looxa ee dalka Iswiidan.
Hawlihii wershaddaha looxa ka socday, waxay
gaareen meesha ugu sareysa bartamihii 1890.aadkii,
waxayna soo gaareen ilaa horaantii qaranigii hore,
markaasi oo ay u tallaabeen sameynta soo saarida waraaqaha. Maanta waxay tahay Sundsvall weli magaalo
ay wersheddaha loox ay aasaas iyo udub dhexaad u
yihiin, islamarkaasna magaalo ay 1900:aadkii oo dhan
koreysay, horumarna ku tallaabsanaysay, ayna ku soo
badanayeen ganacsi, hawlo iyo dad cusubbi.
3
sv
äg
en
stenstaden.
www.sundsvall.se
2. Granska huset.
granska huset.
adrees Storgatan 26.
3. Dowladda hoose.
stadshuset.
furan markii ay
dhaqdhaqaaqid jirto.
adrees Stora torget.
www.stadshusetsundsvall.se
4. Hotell Knaust.
hotell knaust.
furan sannakoo idil.
adrees Storgatan 13.
taleefan 060 – 608 00 00.
www.elite.se/hotell
/sundsvall/knaust/
5. Nacksta S:t Olof.
nacksta s:t olof.
furan markii la
ducaysanaayo.
adrees Midälvavägen 2.
taleefan 060 – 61 71 10.
www.katolskakyrkan.se
6. Högom.
högom.
adrees Västra vägen.
7. Bakhaarka
dhaqanka.
kulturmagasinet.
furan isniin – khamiis
10 – 19, jimce 10 – 18,
sabti – axad 11 – 16.
adrees Packhusgatan 4.
taleefan 060 – 19 18 00.
www.sundsvall.se/
kulturmagasinet
4
Vi
M
vä o n
g e tö
n r
-
ki
ng
6.
1. Magaalo dhax ah.
n
ög
ge
eh
Granlo
av
ä
Ä
tt
dha x alk a dhaqank a ee maga alada sundsvall
8. Rugta buugaagta ee Magaalada Sundsvall. (7).
sundsvalls bibliotek.
furan isniin – khamiis 10 – 19,
jimce 10 – 18, sabti 11 – 16.
adrees Packhusgatan 4.
taleefan 060 – 19 18 26.
www.sundsvall.se/
kulturmagasinet
Be
rg
sg
at
a
n
9. Madaxafka Sundsvall (7).
sundsvalls museum.
furan isniin – khamiis 10 – 19,
jimce 10 – 18, sabti 11 – 16.
adrees Packhusgatan 4.
taleefan 060 – 19 21 26
www.sundsvall.se/
kulturmagasinet
10. Madaxafka
sawirrada ee
Magaalada Sundsvall. (7).
Nacksta
Na
ck s
tav
ä ge
n
fotomuseet sundsvall.
furan talaado – jimce 12 – 17,
sabti 12 – 15.
adrees Magasinsgatan 12.
taleefan 060 – 19 25 34
11. Arkiifiyada Medelpad. (7).
medelpadsarkiv.
furan isniin – jimce 10 – 16.
adrees Packhusgatan 4.
taleefan 060 – 19 18 75.
www.sundsvall.se/
kulturmagasinet
12. Kvissle Nolby.
kvissle nolby.
Sundsvall
Stockvik
Kvissleby
12.
E4
Norra Stadsberget
Granlohög
Gaffelbyn
B
e
a ld
r sv
äg
en
Metropol
lå
ng
er
så
Tonhallen
tr
a
vä
Norrmalm
ge
Univ
Mittuniversitetet
Åkroken
n
n
ersit
E4
etsall
én
Norrporten
Arena
gata
Sjöga
tan
n
1.
allén
n
n a de
ata
n
nväg
s
gata
n
n
an
S öd
Södermalm
er m
alm
sga
tan
Östra parken
ed
sg
at
a
n
Alnön
Ny
ga
ta
n
S id
Ro
sj ö
vä
sen
bo
ge
n
rg s
Fr
Spikarna
Juniskär
Re
Pav
Njurundabommen
iljon
g vä
gen
n
Casino
Cosmopol
ogata
regat
Stenstaden
ogata
N ybr
S ö d ra
slaga
a Jär
n
n
tan
Oscarsga
Bleck
Kyrk
rk
g
No r r
n
sgata
sgata
n
gata
Sv
v
ea
e
äg
n
n
Thule
Fotbollsplan
gata
sgata
4.
Fred
B e rg
nväg
s
3.
g ård
E spla
usall
Västermalm
a Jär
Skolh
lsgatan
Hårdval
Sallyhillsvägen
S ödr
T rä d
11.
10. 7.
2.
én
S tor
5.
9.
8.
Storgatan
ga
tan
Länsstyrelsen Västernorrland. @ Bakgrundskartor Lantmäteriet, dnr 106–2004 /188–y
V
äs
Pa
Se
ge
m
en
ts
vä
ge
n
sundsvalls kultur arv.
1. Magaalo dhax ah.
stenstaden. Dhacdo weligeed raad reeb ku yeelan
doonta Sundsvall waa dabkii weynaa ee maalin bisha
juun ka mid ah, 1888 ay bas beelleen qeybbaha ugu
badan ee magaalada. Haba yaraatee, waxba laga
nabadgeli kari waayey, waxaa magaaladii ku soo haray
dayrar qoryo ah iyo dambas tuullan iyo muuqaal aad
uga duwan maalin ka hor sidii ay ahayd magaaladii
bilcda samayd ee guryo loox ah nolol buuxda lahayd ee
ku taalay koonfurta Norrland.
Marka dib loo dhisaayo guryaha, waxaa lagu dadaalayay, qiimo kasta ha ku kacee, in aan dab dambe aanu
baa’binin magaalada. Wakhtigaas Sundsvall aad bay
ku kobocday. Wersheddaha looxa ayaa marayay heerka
ugu sareeya, waxaana jirtay fursad wanaagsan oo suurtogelinaysa in magaalo cusub oo dhagax ah la dhiso.
Xaga dhismaha. Maal qabeenadii wersheddaha looxa
6
lahaa, kuwa loogu yeero, hantilayaasha looxa, waxay
u yeerteen dhowr ka mid ah kuwa dalka Iswiidan ugu
caansan ee cilmiga naqshada yaqaan iyo dhismaha,
waxaana laga dalbaday in dib u dhiska Sundsvall ay
dib u billaabaan.
Magaalada soo if baxday, ee qiimaha badanni oo
aad u sharaxan, kana kooban guryo afar afar dabaq
oo dhagax ah oo is kor saaran, lehna munaarado iyo
geesas dheer oo ka taagan guryaha, oo ay hor yaaliin
qafisyo muraayaddaysan, oo aan dhiggooda dalka
Iswiidan qeybteedan hore loogu arag.
Wajahadda, dabaqyo guriyo u qeyb qeybsan,
jaranjarrooyin, aad loo qurxiyay oo kuli dhagax ka
samaysan ayaa magaaladii ka dhigay taallo ka muuqata
gobolkii, oo micne weyn ugu fadhiday wadanka, wakhtigaas, dhinaca ganacsiga dibedda loo dhoofiyo.
dha x alk a dhaqank a maga alada sundsvall
2. Granska huset.
granska huset. Dabkii weynaa ee magaalada gubay
1888 waxaa jiray guri loox ka samaysan oo ku yaalay
meel bannaan. Kaasi oo ku bas beelay dabkaas holocii
ka baxayay. Dhismahaasi waxaa uu ku jiray caymis
oo geliyay mulkiiluhu, oo ahaa Peter Gran, lahaana
farmashii. Waxaa la siiyay lacag magdhow ah oo aad
u badan. Lacagtii waxaa ku dhisay aqalka maanta ka
taagan isla meeshii, ee loogu magac daray Granska
Huset. Wakhtigaas, hadda waxaa laga joogaa boqol
sannaddood, waxaana uu ka furay Peter Gran farmashiyadii dalka Iswiidan ugu heer sareysay, isaguna
waxaa uu ka dhistay qeyb 11 qol ka kooban oo uu hoy
ka dhigtay, derbiyada iyo saqafka sare waxaa sharaxaad
farshaxan ah ku xardhay khubarro aad ugu xeel dheer
oo uu uga yeeray Stockholm. Jaranjarrooyinka waxaa
lagu qalabeeyay qurxin iyo musawirro lagu rijiyeeyay
iyo nalal si gooni ah loogu soo xulay iyo saqafka sare
oo loo xardhay qurux aad u heer sare ah. Maanta
farmashiigii caanka ahaa kuma yaal aqalkaas. Waxaa
dhismihii soo galay dukaamada suuq isku furan ku
dhex yaal, xafiisyo iyo guryaha dabaqyada qeybta ka
ah. Laakiin jaranjarrooyinkii waa la ilaaliyay, waxayna
inna xasuusinayaan waayo waayihii isbedelka xoogga
lehi dhacay ee aqalkaasi la dhisay. Granska huset
waxaa uu metelayaa isbedelka bulsho ee dhacay xilligii
1800:aadkii, sidaas awgeedna waxaa la go’aansaday in
dhismaha loo aqoonsado dhismo xasuus ku fadhiya.
3. Dowladda hoose.
stadshuset. Xitaa magaalada Sundsvall gurigii dawladda hoose wuu gubtay, waxaana uu ku baa’ba’y dabkii
weynaa 1888. Waxaa keli ah ee ka haray darbiyada
bannaanka, wixii kale dambas bay noqdeen markii la
bakhtiiyay dabka.
Si kasta ha ahaate, waxaa la go’aansaday in dib loo
dhiso gurigii. Gurii dib loogu dhisay dawladda hoose,
waxaa uu dhammaaday 1890:aadkii, waxaana uu ka
koobnaa waxyaabo badan oo isku guda jira. Waxaa ka
mid ahaa gole weyn oo shirarka loogu talogalay, oo
goluhu go’aamada ku gaaraan iyo maxkamad dadka
dambiga galay lagu xukumo. Waxaa kale oo ku dhex
yiillay meel aad u weyn oo loogu talogalay xafladdaha,
dabaqa hoosena waxay ahayd xarun booliis iyo meel
lagu keydsho alaabta la xaday oo booliisku soo qabtay.
Maanta gurigii hore ee dawladda hoose, waxaa loo
aqoonsaday dhismo xasuus ku fadhiya, golihii weynaa
ee xafladdahana ee ku qalabeysnaa alaabta qaaliga ah,
waxaa loo isticmaallaa xafladdaha kala duwan,
waxaana uu u furan yahay dadweynaha booqashada
ku soo daawanaya.
7
sundsvalls kultur arv.
dha x alk a dhaqank a ee maga alada sundsvall
Hotelka dhowr goor baa dib loo hagaajiyay dhismihiisa, waxaana dib u habeyn loogu sameeyay dhexdiisa
goobbo wax lagu kala iibsado iyo xafiisyo, intii aan
imminka haddana dib loogu soo celi hotel keli ah. 1979
kadib waxaa hotelkii wajahaddihiisa, jaranjarrooyinka
iyo qolka cuntada loo aqoonsaday in la ilaaliyo oo uu
noqdo dhismo xasuus ku fadhiya. Bannaanka hore ee
iradka weyn ee laga soo galo, waxaa weli ku kulma
dadka quruxda qarash badan ku bixiya iyo maal qabeen
ka soo shaac baxay Sundsvall dabkii 1888 kedib.
4. Hotell Knaust.
5. Nacksta S:t Olof.
hotell knaust. Mulkiilayaashii dhismaha uu dabku
ka gubay aqalladoodii, markii ay magaaladu gubatay,
waxaa la siiyay lacag magdhow ah oo ay bixiyeen shariikaddaha caymisku. Sanadkaas dabku kacay, kii ka
dambeyay waxaa dadka soo galay lacag laxaad leh.
9 oktoober 1891 ayaa la furay hotelka Knaust ee heerka
ugu sareeya ah. Wuxuu ahaa dhismo aad u weyn, kuna
kacay qiimo aad u sareeya, lehna wajahad aad u qurux
badan, oo lagu xardhay midabbo xariir ah iyo farshaxanno. Halkaas bay isugu iman jireen maalqabeenka
wershedleyda ah iyo ganacsatada tujaarta ahi, iyaga oo
isku casuumi jiray xafladdo, cuno iyo sharaab, loogu
magac daray schweizeriet, ama la yiraahdba qolka
muraayaddaha.
nacksta s:t olof. Dalka Iswiidan waxay kiristaan
noqotay qiyaasihii 1000 sanno kadib dhalashadii Ciise.
Wakhtigaas kadib, waxaa wadanka la dhisay kummannaan kiniisaddood, oo ku la filiqsan magaallooyinka
iyo baadiyahaba. Kiniisaddahaasi, waxay midiba tan
kale kaga duwannayd qaabka iyo sida loo naqshadeeyay
Kiniisadda Nacksta waxaa la dhisay 1963-69 waana
kiniisad haddii sidaas loo fiirsho cusub. Haddii
dhinaca wadan ahaanna laga fiiriyo, waxay ahayd mid
ka duwan dhammaan kiniisaddihii ka horeeyay hab
dhaqan dhismeedkii Kiniisaddaha dalka Iswiidan .
Kiniisadduhu waxay ku astaamaysan yihiin qaabka ay
u dhisam yihiin. Tani waxay lahayd meel qafis wajahad
ah oo u eeg doon oo kale, halkii ay kaniisad u eekan
dha x alk a dhaqank a maga alada sundsvall
lahayd. Sida uu sheegaya Peter Celsing oo ahaa Injineerkii naqshaddeeyay, waxaa uu yidhi waxay u baahan
tahay kiniisaddu qaabkan cajiibka ah, si ay ula tartanto
dhismayaasha kale ee ku hareeraysan.
Kiniisadda waxaa leh hadda urur diinneedka kaatooliga ee Sundsvall, wayna u furan tahay dadka soo
booqanaya ama ku cibaadaysanaya. Maadaama dalka
Iswiidan, aynu ka nahay xor dhinaca diinta, cid kasta
oo booqasho doonaysa inay ku soo daawato, waa lagu
soo dhaweynayaa, iyada oo aan loo kala eegin aaminsanaanta diinneed ay fikradda ay ka qabaan arrimaha
diinta.
6. Högom.
högom. Högom, waxaa ku dhex yaal Granlo, tan ugu
weyn ee bururkii ka haray taariikhii hore ee ku yaal
Norrland, ahna tan ugu caansan. Waa xabaallo ilaa
tobonneeyo ah, oo 1500 sannaddood ku aasnaa halkaas.
Bartamihii 1900:aadkii baa la qoday qaar ka mid ah
xabaallahaasi, waxaana loogu tegay waxyaabo aad u
qurux badan oo cajaayib ah.
Sida ay sheegeen dadkii arkiyolojiska ahaa dadka
meesha lagu duugay waxay ahaayeen dad maalqabeen
ah oo lahaan jiray awood badan. Meeshani dadkii
waagaas jiray waxay u ahayd muhiim. Xabaallaha mid
ka mid ah, waxaa loogu tegay, meydkii qof nin ah,
kaasi oo loo magac bixiyay Högomsmannen, waxaa uu
qabriga ku haystay oo lagula aasay seef, waran af adag,
murjin, leebabka dagaalka oo afka ku leh biro, oo uu
ku dardaarmay in qabriga lala geliyo.
Waxaa kale oo iyana qabriga loogu tegay oo ku jiray
qalabka fardo fuulista, sida kooreI, qalabka difaaca iyo
xakamaha, waxay khubaradda arkiyoolajiiska ahi, ay
baaristooda ku yaqiinsadeen in ninkan qolfoofkiisa
ay heleen uu ahaan jiray dagaalyahan farda fuul ah.
Waxaa kale oo iyana laga helay qabriga maryo ka haray
kuwiisii iyo suun xardhan, oo laga fahmay, sida uu
lebiskiisu ahaa. Midabada guduudka ah iyo naqshada
maryahaas baa laga gartay inay ka yimaadeen Talyaaniga. Ninkaas Högomsmannen sida iska muuqata,
waxaa uu ahaa nin aad u hantiqabe ahaan jiray oo
bulshada meel sare ka haysan jiray. Waxaa laga yaabbaa
in uu ahaan jiray hogaamiye sare oo ka taliya dhammaan bartamahaa mittnorrland? Fadlan booqo garoon
xabaallaha. Alaabtii laga helay xabaallaha, waxaa lagu
soo bandhigay madxafka Magaalada Sundsvall.
9
dha x alk a dhaqank a ee maga alada sundsvall
7. Bakhaarka
dhaqanka.
8.Rugta buugaagta ee Magaalada Sundsvall.
kulturmagasinet. Kadib markii uu dhacay dabkii
weynaa ee magaalada Sundsvall gubay, waxaa la dhisay
bakhaar weyn oo loogu talo galay in cunta lagu keydiyo. 1980-kii dhexdiisa ayaa dib u dhis lagu sameeyay
bakhaarkii weynaa, waxaana loo bedelay xarun qurux
badan oo dhaqan. Xarunta dhaqanka Sundsvall ee
hadda, waxay ka mid tahay xarumaha dhexe ee lagu
kulmo. Waxaa halkaas ku yaal, makhaayad, rugta
buugaagta, madxaf, arkiifiyo, talo bixinta macmiisha,
talo bixinta shidaalka- iyo cimilada, xarun waxbarasho
iyo xannaanno furan.
Halkaas waxaa kale oo lagu daawan karaa riwaayaddaha, waxaa lagu dhegeysan karaa muxaadirrooyinka,
waxaa lagu daawan karaa masraxiyaddaha, waxaa lagula kulmi karaa qorayaasha buugaagta, filimmo ayaa
la daawan karaa. Carruurta iyo dhalinyarada waxaa
loo qaban qaabin karaa kulamo sheeko xariirrooyin ah,
qoob ka ciyaar muusig iyo waxyaabo kale.
sundsvalls bibliotek. Rugta buugaagta waxaa
lagu akhrisan karaa wargeysyo, jaraa’id, waxaa laga
amaanaysan karaa buugaag iyo cajaladdo muusig.
Rugta buugaagta ee weyn, ee ku taal xarunta
dhaqanka Kulturmagasinet, waxaa haysaa buugaag,
wargeysyada maalinlaha, jaraa’id ku qoran af-iswiidish
iyo dhawr iyo toban luqaddood oo kale. Labaatanneeyo dhaato ayaa lagu casuumayaa dad, oo ay ka geli
karaan internetka iyo carruurta oo loo hayo qalab
ay ku ciyaaraan. Waxaa intaas dheer, inay suurtogal
tahay in la kiraysto barnaamijyo kombyuutarka ee
wax lagu qoro, ama faks lagu diro iyo lagu sawiro
waaraqo. Rugta weynni waxaa kale oo ay ku dhex yaal
talo bixin dhinaca macmiisha, shidaalka iyo cimlida.
Hareeraha degmada, meelaha xaafaddaha ah, waxaa
jira kow iyo toban ruggood oo buugaaggeed iyo bas
buugaaggeed oo booqasho ku mara xaafaddaha aan
lahayn rug buugaaggeed oo u dhow. Dhowr ka mid ah
rugaha buugaagta ee xaafaddaha waxaa u qorsheysan
barnaamijyo joogto ah oo ay ugu talogaleen carruurta
iyo dadka waaweynba.
10
dha x alk a dhaqank a maga alada sundsvall
9. Madaxafka Sundsvall.
sundsvalls museum. Waxyaabaha lagu soo bandhigo
madaxafka (museum) Sundsvall, waxaa ku jira muwduucyo ku hadda taagan iyo taariikhda magaalada Sundsvall
waxaa ka mid oo yaalla urur laxaad leh oo musawirradii
farshaxanka ee dalka Iswiidan ee 1900-aadkii, shaqooyinkii ay qabteen farshanyahannada sida sawiryaqaan Carl
Frisendahl oo ku dhashay Näsåker, laakiin ku noolaa
Paris noloshiisa inteedii badnayd. Bandhigga »Ma
gaaladii isbedelka samaysay - Staden som förvandlade
sig« waxa uu muujinayay sida ay Sundsvall magaalada
dhagaxa ee Sundsvall ay u kobocdayy, kadib markii
ay dab baa’biiyay 1888. I » Hogaamiyahan Högom «
waxaa lagala socon karaa shaqada laga qabtay qodistii
xabaallaha Högom. Halkaas baad ka arkaysaa xadiga
alaabta shaqsiga ee loogu tegay qabriyada, oo ay ka
mid yihiin fargalyo dahab ah(kaatunno), saxanno lagu
qubeysto, dhar iyo shanlooyin macdanta naxaas ah iyo
weliba alaabbooyin kale oo qaali ah oo laga soo qoday
qabriyaddaasi.
11
dha x alk a dhaqank a ee maga alada sundsvall
11.Arkiifiyada
Medelpad.
medelpadsarkiv. Arkiifiyadda medelpad waxaa
yaal macluumaad xaqaa’iq ah iyo aqoon, ku saabsan
taariikhda gobolka iyo baaritaanka qaraabadda oo
ku urursan isla meel keli ah. Waxan arkiifiyada ku
jira ee la ururriyay, waxay ka hadlayaan dhokomanti
iyo sawirba hawlaha iyo dhaqdhaqaaqa maamulka
degmada, sida daryeelka dadka faqriga ah, iskuullada,
iyo daryeelka caafimaadka, waxaa kale oo hakaas yaal,
waraaqo badan uu ku saabsan hawlaha ururrada samafalka, oo tusaale ka bixinaya dad badan masiirkooda
xiisaha badan leh.
Arkiifiyadda Medelpad waxaa kale oo yaal dhowr
xog ururrin dhaateysan databas oo loogu talogalay
baarista raadkii hore ee qaraabada iyo baarista la
xiriirta tuulooyinka.
10. Madaxafka sawirrada ee Magaalada Sundsvall.
fotomuseet sundsvall. Maadaama ay asal ahaan
ka soo jeedo dhaqanka qaaradda Yurub ee xaga sawirrada, waxaa ujeeddada madxafka ay tahay in si dhow
wada shaqeyn ula yeeshaan hayaddaha waxbarashada
ee gobolka ee ku hawlan saxaafadda, tusaale ahaan
12
soo bandhiga musawirro filiimoah iyo tasaawiirta la
xiriirta isgaarsiinta. Waxaa kale jirta in kamarooyinkii
gaboobay. Bandhigga uu sameeyo madxafka Sundsvall
ee tasaawiirtu waxaa lagu wareejiyay, si loogu daawado
magaalooyinka waaweyn ee Yurub ka mid ah.
sundsvalls kultur arv.
12. Kvissle Nolby.
kvissle nolby. Xitaa meelaha ugu quruxda badan
ee Kvissle/Nolby, kuna yaal Njurunda, oo koonfur
ka xigta Sundsvall, waxaa ku yaal dhowr meellood
oo xábaalo ah, oo qaarkood ay jiraan in ka badan 2
000 sannaddood, ahna kuwa uga waaweyn Norrland.
Halkan waxaa laga helayaa taariikhdii hore magaalada
Sundsvall. Khubarada arkiyoolojiyada iyo taariikhyahannadu waxay sheegeen in meeshan la deggennaa ilaa
iyo wkhtigii Nebi Ciise dhashay. Qabriyada qaarkood
waxaa laga helay qalab ka samaysan macdanta naxaas
oo la og yahay in ay sameeyeen romaniskii xukumayay
gobollada koonfurreed ee Yurub. Qalabka loogu tegey
qabriga waxaa ka mid ahaa kirli naxaas ka samaysan,
alaab kale oo dhalo ka samaysan iyo lacagtii romans’ka
ayaa ahaa waxyaabaha laga helay qabriyada, oo inna
tusaya in dadka Yurub deggen oo dhammi ay wada
la lahaayeen ganacsi isaga gudba dhexdooda, meel
kummannaan mayl isku jirta. Socdaalladu intaan
waddooyinka la samaynin ka hore, sida qura ee la isugu
talaabi jiray waxay ahayd badda.
13
dha x alk a dhaqank a ee maga alada sundsvall
Bartan kore qabowga waqooyiga
Gudanka Sundsvall magaalada
gudaheeda hoose Quruxda
qooriga, wersheddo cusub iyo
farxad shucaaca bixinnaysa
»Run ahaantii, waa magaalo
qurux iyo awood leh«, ayaa uu
yiri wiilku.
Xigasho: Socdaalkii ee xiisaha
badnaa ee Nils Holgerssons
Buuggii ay qortay Selma Lagerlöf.
Magaalada Sundsvall.
14
Kiniisada Tuna (Tuna kyrka).
Xidigta Gudmund (Gudmundstjärn).
dha x alk a dhaqank a maga alada sundsvall
Mittuniversitetet, Campus Sundsvall.
17
dha x alk a dhaqank a ee maga alada sundsvall
Maxay muhiim u
tahay taariikhdu?
Dhowrsan sida waafaqsan
Sharciga xusuusta dhaqanka.
Wakhti intee in leeg ayay dadku deggenaayeen
Västernorrland? Maxay ku noollaayeen? Sidee bay
noloshu u eekeyt? Dhacdooyinkee baa saameyn ku
yeeshay muwaadiniinta? Immisa ayay jiraan, run
ahaantii, dhismayaasha iyo goobaha dhaqanka ee
innagu hareeraysani? Maxayse innoo tilmaamayaan?
Su’aalluhu way badan yihiin, laakiin cilmi baarista
lagu sameeyo alaabta haraaga ee dadkii hore ka tageen,
ayaa wax badan oo jawaabbo ah ina siinaya. Tusaale
ahaan, sidii ay u maareeyeen xaaladdaha kala duwan
ee hadba la soo dersi jiray, waxa kale oo aynu ka fahmi
karnaa sababta xaaladda dadka hadda jooggaa ay sidan
u tahay. Sidaas awgeed, waa muhiim in aynu ilaalino
dhaxalka dhaqanka ee dadkii hore innooga tageen.
Wuxuu yahay dhaxalkaasu ilo aqoonneed oo la xiriira
tagtadeenii
Dhismayaasha ku fadhiya xusuus dhaqan waa sida
dhismayaasha uu dhowrayo sharciga xuus dhammeedku. Dhowrsanaantu waxay saamaynaysaa in dhismahaasi loo ilaaliyo si taxadur ah, oo aan waxba laga
bedeli karin naqshadiisa, isla markaasna aan la dumin
karin. Västernorrland waxaa ku yaal qiyaas ahaan 70
noocaas ah oo ah dhisme xusuus dhaqammeed. Waxaa
lagu xushay, waayo waxay si cad u tilmaamayaan
dhacdooyin taariikheed oo la soo dersay bulshada.
Maxaa qoraalkan looga jeedaa?
Qoraalkan waxaa soo saaray länsstyrelsen ee Västernorrland. Länsstyrelsen waa hay’da qaran oo ka
jirta gobol kasta, kana shaqeysa waxyaabbo badan oo
arrimaha bulshada ku taxaluqa. Xilalka uu länsstyrelsen masuulka ka yahay waxaa ka mid ah in la ilaaliyo
dhismayaasha qiimaha weyn ku fadhiya, kiniisaddaha
iyo haraaga dadkii hore ay ka tageen. Taasi oo loo
yeelayo, si loo daryeello taariikhda, islamarkaasna loo
suurtogeliyo in dadweynuhu ay fursad ugu helaan.
Waxaa jira dalka Iswiidan machaddo badan oo ka
shaqeeya ilaalinta iyo daryeelka taariikhda iyo dhaxalka dhaqanka. Dhowr kuwaas ka mid ah waa madxafyada, arkiifiyooyinka iyo rugaha buugaagta. Iyada oo
la samaynayo bandhigyo, diiwaangeli arkiifiyo, iyo soo
saarid buugaag ayaa lagaga sheekeeyaa noloshii dadkii
hore iyo qaababkii ay u noollaan jireen.
Qoraalkan waxaanu doonaynaa in aanu kaga
waranno goobo dhowr ah oo länsstyrelsen u xilsaaran
yahay ilaalintooda. Waxaa kale oo aanu iyana ku soo
qaadanay goobo in la bookhdaa ay xiiso leedahay, sida
madxafyada, ruggaha buugaagta iyo arkiifiyooyin.
18
Kiniisaddaha waxaa siinayo dhowrsanaan sharci,
iyana sharciga xusuus dhammeedka, taasna micnaheedu, wuxuu yahay in loo ilaaliyo si taxadir leh,
islamarkaasna aan waxba laga bedeli karin, sida ay u
dhisan yihiin, amaba aan la dumin karin, iyada oo aan
fasax laga soo qaadan länsstyrelsen. Wax kiniisad ah
oo la dhisay intii ka horeysay 1940 waxba lagama bedeli
karo qaab dhismmeedkeeda, lamana dumin karo,
laakiin kiniisaddaha la dhisay taariikhdaas kadib, waa
loo samayn karaa dhowrsanaan sharci.
Maadaama ay dalka Iswiidan kun sanno kabadan
kirstaan ahayd, saamayn badan ayay diinta kirstaanku
ku lahayd bulshada. Kiniisaddan loo samayay
dhowrsanaanta sharici sidaas awgeed, waxay yihiin
hanti dhaxal dhaqan oo kulligeen inaga dhexaysa.
Waxyaabaha dadkii hore ka soo haray, waxaa lagu
magacaabaa raad raaca waxqad ee dadkii hore iyo
wakhtigii ay noollaayeen. Raad raacaas waxaa laga heli
karaa qodista qabriyada kun sanno ka hor dad ku duugnaayeen iyo dhagaax tuullan iyo duug xoog u baxay
hoostiisa iyo camuud tuullan.
Waxyaabahaasi waxay noqon karaa meel deggaan
ahaan jiray, hogag dabinno ahaa oo xayawaanka door
joogta lagu daban jiray, tasaawiir lagu xardhay dhaxaan, mishiinno gabooba oo haruurka lagu ridqo iwm.
Taariikhdan qoran ka hore ma jiraan wax buugaag
ah, oo innoo caddeynaya siday dadkii hore ay
ahaayeen. Sidaas awgeed, waxaa la oran karaa, dhulkan
innaga hooseey, waxaa ku duuggan macluumaad laxaad
leh, oo innooga waramaya waxyaabihii wakhtigii hore.
Sollefteå
Ånge
Waxyaabaha dadkii hore ka tageen, waxay inna
siinayaa aqoon badan, oo awel hore in aynu helaan
dhib innagu noqon lahayd. Waxyaabahaas haraagga
ah ee dadkii hore ka tageen, xitaa waa loo samayn
karaa dhowrsanaan sharci, si looga ilaaliyo in wax
laga bedelo iyo in la baa’biyo, iyada oo loo
adeegsanyo sharciga xusuus dhaqammeedka.
Dhowr eray
bixinnood oo kala duwan.
Maadaama uu qoraalkani ku socdo cid kasta, aqoonta
arrinkan loo leeyahayna kala duwan tahay, waxaanu
go’aansanay in aanu si kooban u sharaxno eray bixin ku
dhex jirta qoraalka:
Dhaqan kama kuubna in uu ka hadlo uun muusig,
masraxiyad ama suugaan. Dhaqan waxaa loo isticmaalayaa micnaha ay ku fadhido sida uu dadku u nool
yahay, u habeeyo noloshooda iyo arrimaha bulshada.
Taariikh waa barashada cilmi ee sooyaalkii dadkii jiri
jiray wakhtigii hore.
Dhaxal dhaqan waa waxyaabo ay facacii hore ay soo
gudbiyeen, waxayna noqon karaan aqal, walax, och
caado ay u soo gudbiyeen facaca soo socda.
Goobo dhaqan waxay saamaysaa meelo si gaar ah loo
calaamadiyay, waa goobo dadka saamayn ku leh, sida
magaalooyin iyo dhul beerreedyo. Inta badan waxaa
loo jeedaa meelo xadidan, sida tusaale ahaan, goobta
herrgåd herrgårdsmiljö.
Örnsköldsvik
Kramfors
Härnösand
Timrå
Sundsvall
Norrland waa dhinaca waqooyi ugu xiga dalka
Iswiidan , halkaasi oo xitaa Västernorrland ay ku jirto.
Dalka Iswiidan qeybta ugu koonfurraysa waxaa la
yiraahdaa Götaland qeybta dhexdana waxaa la
yiraahdaa Svealand.
Län waa dhul juquraafi ahaan xadidan, xuduuddiisa
leh, oo dawladda dhexe ay xukunto, tusaale ahaan,
Västernorrland. Dalka Iswiidan waxay u qeybsan tahay
21 gobollo.
Kommun waa dhul ka yar kan hore oo isna juguraafi
ahaan xuduuddo leh oo ay masuul ka ah waxyaabaha
ugu badan ee adeegga bulsho, sida iskuullada,
xannaannooyinka carruurta, daryeelka dadka
gaboobay, qorsheynta jidadka- iyo arrimaha biyaha,
iyo weliba ’arrimaha is dhexgalka. Dalka Iswiidan
waxay u qeybsan tahay 290 degmooyin.
Turjumidda qoraalkan waa muhiim, maadaama ay
ku nool yihiin dad badan oo ku hadla af aan kan
af-iswiidishka. Si aanu u gaarsiino warbixinta ku
saabsan taariikhda iyo dhaxalka dhaqanka dadka ugu
badan, waxaanu go’aansanay inaan qoraalkan ku
turjunno af-carabi, af-bersi, af-ingriisi iyo af-iswiidish.
Qoraalku tirsigani oo ku saabsan gobolka iyo
demooyiinkiiska kale, waxaa xitaa lagu turjumay
af-isbanish, af-fransiis, af-ruush iyo af-amhaar.
19
Ku soo dhowoow
magaalada Sundsvall.
Wax kasta oo aad aragto, sheeko ayaa ka dambeysa.
Dhammaan dhismayaasha, waddooyinka, bannaannada, kaymaha yarar wax tilmaamo ah ayay inoo tibaaxayaan. Wakhti kastaa waxaa uu leeyhay dhacdooyin,
saamayn ku leh xaaladdeena.
Si aynu wax ka ogaano taariikhda, waxay inaga
caawinaysaa fahmka aynu fahmaynaa goobtan aynu
joogno iyo xaaladda ka taagan, is dhex galka sooyaalkii
hore iyo kuwan cusub, ayaa bulshada ka dhigaya mid
xiiso leh oo la jecelaan karo.
Halkan waxaa ku soo bandhigaynaa dhowr meelood
oo wax ku tara inay sharaxaad ka bixiyaan dhalashadii
Sundsvall iyo kobceedii, goobahaasi oo ilaa maanta
weli ku fiican in la booqdo.
Länsstyrelsen Västernorrland, 871 86 Härnösand. Tal 0611-34 90 00. www.lansstyrelsen.se/vasternorrland
Farsamada qaabaneynta, soo saarida se idea ab. Isku dubaridka qoraalka Mats Wigardt. Sawirka Kristofer Lönnå,
Samir Hussein/Björn Grankvist/Murberget – Länsmuseet Västernorrland, Torbjörn Svaan, Medelpads arkiv, Gudrun Widmark,
Carin Engwall, Maria Olsson, Julia Cronqvist. Daabacad Lenanders Grafiska. Sebteembar 2010.
`